Boliska dalka Kanada ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen haweeney Somali British lagu magacaabo Anisa Mohamed Ibrahim, taasi oo labo carruur ay dhashay kala soo dhuumatay ninkeeda hore oo ay wada degganaayeen magaalladda Manchester ee dalka Britain.
Haweeneydaasi oo 35 jir ayaa waxaa la baadi-goobayey muddo shan sanno ah, iyadoo ay Boliska Kanada ku guuleysteen Khamiistii la soo dhaafay inay Haweeneydaasi iyo labadeeda wiil oo 8 jir iyo 10 jir ah ka soo qabtaan Degmadda Hamilton ee Gobalka Ontario ee dalka Kanada.
Hooyadaasi ayaa lagu soo oogay inay jebisay Amar horey uga soo baxay Maxkamadda magaalladda Manchester ee dalka Britain.
Aabaha dhalay carruurtaasi oo lagu magacaabo Abdule Abuubakar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu mar kale arko labadiisa wiil ee ay ugu aragti dambeysay sannadkii 2012-kii.
Isagoo Khadka Telefoonka ku la hadlay Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kanada ayaa rumeysan waayey hadalka lagu sheegay in Xaaskiisii hore iyo carruurtiisa laga helay Kanada, isagoo horey u tuhunsanaa inay Somalia joogaan.
Dhinaca kale, Abdulle Abuubakar ayaa u sheegay Wargeyska inay Warkaasi ku soo wargelisay Haweeney ka tirsan Boliska The Greater Manchester Police (GMP) oo ku wargelisay in la helay carruurtiisa, wuxuuna xusay inuu farxad darted la bood-booday, kuna wargeliyey qof kasta oo uu yaqiinay.
Abdulle Abuubakar waxa u qorsheysan inuu u dhoofo dalka Kanada, isagoo haatan raadinayo sidii uu ku heli lahaa Lacaagaha Safarka, waxaana uu taageero ka helayaa Kaalmadda Lacagaha Daryeelka Carruurta.
Dhinaca kale, Hooyadda dhashay carruurtaasi oo lagu magacaabo Anisa Mohamed Ibrahim ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda Hamilton, iyadoo uu Turjumaan u kala dab qaadayey iyada iyo Garssorayaasha.
Waxaa mar kale Maxkamad la soo taagi doonaa bishan August 28-da, waxaana la hadal-hayaa in ay Maxkamadda xukmin doonto inlagu celiyo dalka Britain, si loogu maxkamadeeyo.