Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, xilli ay Soomaaliya isu diyaarinayso ka qeybgalka Ciyaaraha Jaamacadda Carabta ee dhawaan ka dhici doona magaalada Doha ee dalka Qatar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray:
-
Ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaaraha Carabta,
-
Horumarinta kaabayaasha isboortiga,
-
Xoojinta taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir Maxamed ayaa la wadaagay safiirka sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay horumarinta fursadaha dhallinyarada iyo sare u qaadista kaabayaasha ciyaaraha.
Dhiniciisa, Safiir Al Nuaimi wuxuu muujiyay sida Qatar uga go’an tahay in ay sii xoojiso cilaaqaadka istiraatiijiga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhanka isboortiga iyo horumarinta dhallinyarada.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada dhanka ciyaaraha iyo dhallinyarada, isagoo sheegay in iskaashiga labada dal uu furi karo fursado horumarineed oo cusub.