Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Ujeedka Taliye Cabdi Xasan Xijaar ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay mid la xiriiro sahan ballaaran oo Booliska Federaalka ku samaynayo deegaanada dawlad Goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garoowga sugidda amniga doorashooyinka.
Taliye Xijaar ayaa waxaa socdaalkiisa ku welin doona Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya, iyagoona saacadaha soo socda ee Maanta tagaya Caasimadda Galmudug.
Safarka Taliye Xijaar ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkii hore Baarlamaanka Galmudug uu ansaxiyey Sharciga dhismaha Booliska Galmudug oo amniga kala wareegaya kuwa Faderaalka ee haatan maamula saldhigyada iyo baraha kale ee baraha Koontaroolada.
Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda ayaa horey u tegay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo qiimayn ku soo sameeyay amniga deegaanada Maamulkaas iyo baahiyaha Booliska ay qabaan.