Madaxii Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed Samow ayaa warar aan heleyno ay sheegayaan  inuu isku dhiibay ciidamada CID  kaddib markii uu lugihiisa ku tagay Xarunta Dambi baarista CID.
Samow oo galabta ay ciidamada booliska ka raadiyeen gurigiisa oo ku yaala degmada xamar Jajab ayaa ka maqnaa waxaase wararka ay idaacada dalsan heshay sheegayaan iney telefoon ku waceen CID saraakiil ka tirsan oo ay ku amreen inuu xarunta yimaado sidaasina uu ku tegay.
Ciidamada booliska ayaa maanta masuq u xiray ilaa 9 qof oo ka shaqeysa kastamka dekeda kuwaas oo ku eedeysan iney laaluush ka qaateen muwaadiin Soomaaliyeed .
Samoow aaa ku eedeysan inuu masuq baahsan ku kacay waxaana maanta mudo 4 saac ah wareysanayey hanti dhawrka qaranka.