Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA ayaa sheegtay inay dadkaasi ku geeriyoodeen Diyaarad Helikopter oo burburtay meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Galabt ee Bariga dalkaasi, kuna dhow xuduudka dalka Ethiopia.
Telefishinka Alshooroq ayaa sheegay in Guddoomiyihii Gobalka Gadaref iyo Wasiirkii Beeraha ee Gobalkaasi iyo Saraakiil dhinaca Ammanka ka mid yihiin dadkii ku geeriyooday shilkaasi.
Telefishinka waxa kale oo uu sheegay inay Diyaaradaasi burburtay, xilli uu Duuliyaha doonayey inuu ku dego Garoonka magaalladda Galabt.
Dhinaca kale, Shilkan ayaa yimid maalmo kadib, markii Helikopter ay Milliteriga Sudan lahaaeen dab ka kacay, xilli ay ku degaysay Graoon ku yaalla Daarfuur.War