Ra’isul-wasaraaha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed Ali ayaa sheegay inay Dowladda Imaaraadka la saxiixdeen Heshiis lagu shaqaalaysiinayo 50,000 oo shaqaale Ethiopia ah sannadkan 2019-ka iyo sannadka soo socda ee 2020-ka.
Abiy Ahmed waxa uu hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu u jeediyey Xildhibaanadda Barlamaanka dalkiisa, wuxuuna xusay in hadafka dalkiisa yahay sidii 50,000 oo shaqaale Ethiopian ah loogu dirayo dalka Imaaraadka, kaasi oo ah Barnaamij lagu horumarinayo Xoogsatada gudaha iyo fal-celiska xiisadda diplomaasiyadeed ee doorka Imaaraadka ee dalalka Geeska Afrika.
Waxa kale oo uu sheegay inay Dowladiisa qorsheynayo in muddo kooban lagu yareeyo Heerka shaqo la’aanta ee Muwaadiniinta Ethiopia, wuxuuna xusay in mid ka mid ah qorshaha la dejiyey inay tahay in Shaqaale Xirfad leh loo diro dalalka dibedda.
Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed Ali waxa kale oo uu khudbadii uu Isniintii la soo dhaafay u jeediyey Xildhibaanadda Barlamaanka dalkiisa ku sharxay nuxurka Heshiiska ay la galeen Dowladda Imaaraadka, wuxuuna xusay inay ku heshiiyeen in 50,000 oo shaqaale ah loo diro Imaaraadka sannad-miisaaniyeedka 2019 ilaa 2020-ka.
Waxa kale oo uu tilmaamay in labada Dowladood u socdaan wada-xajaood kale, si 200,000 oo Shaqaale Ethiopian ah loogu diri lahaa Imaaraadka muddo 3 sanno gudaheeda.
“Ethiopian-ka waxay ka walaaceen sidii ay Mushara fiican u heli lahaayeen iyo inay awoodaan inay xaqiijiyaan Aqoontooda” ayuu yiri Abiy Ahmed.
Dhinaca kale, waxa uu Khudbadiisa ku sheegay inay Wada-xaajood shaqaaleysiin ah kula jiraan dalal ka tirsan Europe oo uusan carrabaabin iyo dalka Japan.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Imaaraadka waxay door dhexdhexaadin ah kala qeyb qaadatay Dowladda Sacuudiga Heshiiskii ay Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea kala saxiixdeen bartamihii sannadkii hore, laguna soo af-jaray dagaalkii u dhexeeyey Ethiopia iyo Eritrea, kaasi oo socday intii u dhexeysay bihii May ee sanadkii 1998-dii ilaa bishii June ee sannadkii 2000, iyadoo ay ku geeriyoodeen ilaa 80,000 oo qof oo labada dhinac ah.