4 Caruur ah oo ku geeriyootay dab ka kacay Gurigooda Magalada Hargeysa

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee deeganada Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Saakay aroortii uu dab ka kacay guri ku yaalla mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada hargeysa.

Debkaan oo an la ogeyn waxa sababay ayaa la sheegay in uu ka kacay Guri ka sameysay Jiingad oo ku yaalla Xaafad lagu Magacaabo Ibraahim Koodbuur oo ka mid ah Xaafadah ugu caansan Hargeysa Gurigas oo ay deganaayeen dad rayid ah.

Qof kmid ah dadka ku nool Magaalada Hargeysa aya Dalsan waxa uu u sheegay in dabkaas ay ku geeriyoodeen 4 caruur ah oo walaalo ah halka Hooydood ay ku dhaawacantay.

Wax faah faahin dheerad ah intaas ka badan lagama haayo dabka qabsaday guriga reerkaas kuwas oo la sheegay in ay ahaayeen Qoys danyar ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media