Madaxweyne Erdogan oo u ilmeeyey maydad la aasayey.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa ilintu ka qubatay, isla markaana soo gaabiyey hadal uu ka jeedinayey Aaska dad ku geeriyooday Afgembigii Fashilmay ee habeenkii Jimcihii la soo dhafaay ka dhacay dalkaasi.

Erdogan Markii uu ilmeeyey, waxay Gacan-yaraayshiisa ku khasbeen   inuu joojiyo hadalkiisa, oo dadkii ka qeyb galeyy Aaska la wada ilmeeyeen.

Dadkii la aasayey waxaa ku jiray Ganacsato jaal dhow la ah Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha waxa uu ku eedeyey Taageerayaasha Fatxullaahi Gulen oo ka dambeeyey Afgembigii Fashilmay.

Waxa uu Kooxda Gulen sheegay inay yihiin Fayris waxyeelo u geystay Ciiddanka Turkiga, loona baahan yahay in laga nadiiffiyo dhamaan Hay’addaha Dowladda.

Madaxweyne Erdogan waxa kale oo uu sheegay inay ka baaraan-degayaan sidii Ciqaab Adag loo qaadi doonaa Kooxihii ka dambeysay Afgembiga Fashilmay.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Barlamaanka hor geyn doono in la soo celiyo Xukunka Dilka oo Turkiga laga mamnuucay xukunkaasi sannadkii 1984-kii.

E TACSI ERDOGAN1

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media