34 Kun oo Arday oo Maanta u fariisatay Imtixaanka shahaadiga Dugsiga sare ee DF

In ka badan 34 kun oo Arday oo dhammeysatay waxbarashada Dugsiga sare ayaa Maanta u fariisatay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Imtixaanka shahaadiga ah ayaa waxa ay Ardayda ku galayaan 114 xarumood oo ku kala yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

Ardayda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaalo kala duwan oo ay ugu diyaar garoobayeen gelida Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga sare  oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Ammaanka goobaha lagu galayo Imtixaanaadka ayaa aad loo adkeeyay, isla markaana waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waa imtixaankii labaad uu la kowsado Wasiirka Wasaarada waxbarashada Faarax Sheekh C/qaadir, kaasoo isbedel firfircoon ku wado waxbarashada guud ee dalka, isagoo juhdigiisa ugu badan galinaya sidii ardeyda Soomaaliyeed loo tayeyn lahaa aqoontooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor