HomeWararXukuumadda Federalka oo sheegtay inay ilaa 300 Tahriibayaal Somali ah ku hafteen...

Xukuumadda Federalka oo sheegtay inay ilaa 300 Tahriibayaal Somali ah ku hafteen Badda Mediterranean-ka.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inta u dhexeysa 200 ilaa 200 Somali ah ku hafteen Badda Mediterranean-ka, xilli ay doonayeen inay si sharci-darro ah ku gaaraan Europe. Wasiirka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Wakaalladda Wararka ee REUTERS, wuxuuna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inta u dhexeysa 200 ilaa 200 Somali ah ku hafteen Badda Mediterranean-ka, xilli ay doonayeen inay si sharci-darro ah ku gaaraan Europe.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Wakaalladda Wararka ee REUTERS, wuxuuna xusay inay macluumaadkaasi asaas uga dhigayaan Warbixino ay Safaaradda Somalia ku leedahay Masar iyo Qurbo-joogta soo ururiyeen labadii maalmood ee la soo dhaafay.

- Advertisement -

“Ma hayo tiro rasmi ah, balse waxay u dhexeysaa 200 ilaa 300 oo Tahriibayaal Somali ah” ayuu yiri Wasiir Xayir oo khadka Telefoonka kula hadlay REUTERS, wuxuuna intaasi ku daray inaan la haynin tiradooda rasmiga, maadaama ay si sharci-darro u safrayeen.

Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” waxa uu tilmaamay inuu isagu fahamsan yahay inay doonida la socdeen ku-dhawaad 500 oo qof oo 300 ka mid Somali ahaayeen, kuwaasi oo badankooda geeriyooday.

Dhinaca kale, Ilo dhinaca Diplomaasiyadda Masar ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA inaysan xilligan wax Warbixin ah ka haynin doonida ku degtay Badda Mediterraneanka, oo badankooda Somali ahaa.

- Advertisement -

“Waxaan arrintan baaritaankeeda la kaashan doonaan qeybaha ay khuseyso” ayaa laga soo xigtay Ilo-wareedka Diplomaasiyiinta Masar oo aan magacooda la shaacinin.

Sidoo kale, Hay’adda Midowga Europe ugu qaabilsan Xuduudaha ee FRONTEX ayaa sheegtay in 9,600 Tahriibayaal badankooda u kala dhashay Somalia, Nigeria iyo Gambia bishii hore soo gaareen Xeebaha dalka Talyaaniga.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts