32 qof oo ku dhaawacantay Diyaarad Milliteri oo ku burburtay dalka Raashiya.

Wakaalladda Wararka Raashiya ee TASS ayaa baahisay inay Diyaarad Milliteri ku burburtay meel qiyaas ahaan 30 KM u jirta Saldhigga Ciiddanka Cirka ee u dhow Degmadda TIKSI ee W/bari ee Saybeeriya.

Diyaaradaasi oo nooceedu yahay Ilyuushin IL 18 waxaa la socday 32 Sarkaal iyo 7 Shaqaalaha Diyaaradda, mana cadda waxa sababay shilkaasi.

32 qof ayaa ku dhaawacantay, iyadoo 16 ka mid ah xaalladooda aad u liidato.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Raashiya ee INTERFAX ayaa ka soo xigatay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobalka, Aleksi Koldozinkoof inay dhacayeen dabaylo xooggan oo ku khasbay Diyaaradda inay si degdeg ah u soo caga-dhigato, ka hor intaysan burburin.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor