30-dagaalyahan oo ka tirsanaa Kooxda Daacish oo lagu dilay Iraq.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Iraq ayaa lagu sheegay inay si buuxda ula wareegeen Xaafadda Xayi Al-carab ee W/bari magaalladda Mosul, kadib, dagaal socday labadii maalmood ee u dambaysay.

Telefishinka Sky News Arabia oo soo xigtay Sarkaal u hadlay Milliteriga Dowladda Iraq ayaa sheegay inay Ciiddanka Milliteriga iyo kuwa Federalka baaritaano ka wadaan Xaafadaasi, si loo soo qabto xubnaha Daacish ee dadka rayidka isku dhex qarinaya.

Ciiddanka Dowladda waxay Kooxda Daacish weli kula dagaalamayaan Xaafaddaha Al-malaayiin iyo Al-rashiidiyah ee Mosul kaga beegan dhinaca Bariga Webiga Dajlah.

Bayaan ka soo baxay Milliteriga ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka burburiyeen 90-dooni oo ay Kooxda Daacish kaga gudbaan Webiga Dajlah.

Dhinaca kale,  waxaa dib loo furay qaar ka mid ah Dugsiyadda ku yaalla Deegaanadda Kooxda Daacish lagala wareegay magaalladda Mossul.

Ku-dhawaad 70 Dugsi ayaa la sheegay in si rasmi ahaan dib loo furay, sida uu sheegay Xasan Al-diin Abar oo ah Mas’uulka Waxbarashadda ugu qaabilsan Maamulka Gobalka Nineveh ee ay caasimadda u tahay magaalladda Mosul.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor