Muqdisho, Abriil 19, 2025 – Waxaa maanta si rasmi ah dib u bilaabanaya kulamada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib in ka badan bil fasax ah oo ay xildhibaannadu ku maqnaayeen, taasoo ku beegnayd bisha barakeysan ee Ramadaan.
Kulamadan waxaa isugu imaanaya xildhibaannada Golaha Shacabka oo qaarkood toddobaadyadii lasoo dhaafay dib ugu soo laabanayay magaalada Muqdisho, iyagoo qaar kamid ah ku maqnaa gudashada cibaadada Cimrada halka kuwo kalena ay waqti la qaadanayeen qoysaskooda.
Fadhiyada la filayo in ay bilaabmaan toddobaadkan ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro ajandayaal muhiim ah oo masiiri u ah mustaqbalka siyaasadeed iyo sharciyeed ee dalka. Ajandayaasha ugu waaweyn waxaa kamid ah dhameystirka Dastuurka KMG ah, dhisidda Maxkamadda Dastuuriga ah, iyo mooshinno xasaasi ah oo la sheegay in qaar ka mid ah xildhibaannadu ay diyaariyeen oo ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulamadan ayaa ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, xarunta siyaasadda iyo maamulka ee dalka.
Kulamadan dib loogu bilaabayo howlaha Baarlamaanka ayaa muhiim u ah sii wadista geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xilligan lagu jiro marxalad kala guur ah oo ay ka socdaan dadaallo lagu xoojinayo dowladnimada, dib-u-eegista dastuurka, iyo kor u qaadidda hay’adaha garsoorka sida Maxkamadda Dastuuriga ah oo qeyb ka noqon doonta nidaamka xallinta khilaafaadka sharciyeed ee dalka.
Waxaa la filayaa in kulamadu ay yeeshaan dood adag oo ka dhex bilaabata xildhibaannada, iyadoo laga dhadhansanayo xiisado siyaasadeed oo ka dhex taagan Golaha, gaar ahaan marka la eego mooshinnada la sheegay inay ka dhan yihiin Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Dib-u-bilaabashada howlaha Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay taagan yihiin xiisado siyaasadeed oo u dhaxeeya laamaha fulinta iyo sharci-dejinta dowladda.
Warar soo baxaya ayaa muujinaya in qaar ka mid ah xildhibaannada ay doonayaan in la horgeeyo mooshin culeys saaraya Xukuumadda, taasoo haddii ay rumoowdo ka dhigan karta isbedel cusub oo ka dhaca hannaanka dowladeed.
Xukuumadda ayaa dhawaan wajahday dhaleeceyn la xiriirta hirgelinta qorsheyaal muhiim ah oo ay kamid yihiin amniga, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada, taasoo la filayo in si weyn looga doodo kulamadan soo socda.
Wariyaha Dalsan ayaa la socon doona waxyaabaha ka soo baxa fadhiyada Baarlamaanka iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay indhaha ku hayaan sida ay u socdaan kulamadan muhiimka ah.