HomeWararWeerar Qaraxyo Wata oo Al-Shabaab ka Fulisay Aadan Yabaal

Weerar Qaraxyo Wata oo Al-Shabaab ka Fulisay Aadan Yabaal

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Aadan Yabaal, Shabeellaha Dhexe – Warar kala duwan ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo culus ku billowday oo kooxda Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku sugan degmada Aadan Yabaal, iyadoo dagaal toos ah uu weli ka socdo magaalada. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah oo la hadlay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Aadan Yabaal, Shabeellaha Dhexe – Warar kala duwan ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo culus ku billowday oo kooxda Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku sugan degmada Aadan Yabaal, iyadoo dagaal toos ah uu weli ka socdo magaalada.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah oo la hadlay Dalsan, dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarka ku qaaday saddex jiho, halkaas oo ay ku beegsadeen xarumaha ciidamada. Weerarka qaraxyada kadib ayaa la galay dagaal fool-ka-fool ah oo xooggan, kaas oo si ba’an uga socda gudaha degmada.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa tilmaamay in weerarka uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo tirada saxda ah aan weli la xaqiijin karin sababo la xiriira xaaladda amni ee cakiran.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ku fiday qaybo badan oo degmada ah, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay iska caabin xooggan ka wadaan aagga la beegsaday, iyagoo isku dayaya in ay ka hortagaan in Al-Shabaab ay qabsato xarumaha dowladda.

Ilaa iyo hadda, dowladda federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka, iyadoo la filayo in faahfaahin rasmi ah laga bixiyo marka xaaladda dagaalku degto.

- Advertisement -

Weerarkan ayaa imaanaya xilli kooxda Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka geysanayso deegaannada ku yaalla bartamaha Soomaaliya, iyagoo isku dayaya in ay carqaladeeyaan dadaallada dowladda ee amniga iyo xasilloonida. Aadan Yabaal, oo ah deegaan muhiim ah oo istaraatiiji ah, ayaa horey dhowr jeer uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay labada dhinac.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts