Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo iska fogeeyey eedeyn culus oo uga timid Imran Khan

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo iska fogeeyey eedeyn culus oo uga timid Imran Khan

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa si adag u beeniyay eedeymaha uga yimid hogaamiyaha mucaaradka, Imran Khan, kuwaas oo ahaa inuu ku lug lahaa shirqool dil ah oo isaga ka dhan ahaa.

Mr Sharif ayaa ka codsaday maxkamada sare in ay baaritaan ku sameyso Mr Khan sheegashada uu sameeyay.

Hoggaamiyaha mucaaradka — oo nin hubeysan uu lugta ka toogtay Khamiistii — ayaa ku eedeeyay in ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha iyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ay ka dambeeyeen weerarkaas, xilli uu dibadbax ka socday.

Waxaa maalintii labaad guud ahaan Pakistan ka socda isu soo baxyo ay wadeen taageerayaasha Mr Khan – kaas oo xukunka laga tuuray bishii April.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor