Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha dalka oo IOM kala hadlay Gurmadka socda

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,  ayaa mgaalada Kampala ee dalka Uganda kulan kula qaatay ku xigeenka agaasimaha guud ee Hey’adda IOM iyo Agaasimaha gobalka ee IOM.

Ergayga ayaa warbixin ka siiyay xaalada abaaraha dalka iyo muhiimadda ay leedahay in dadka la gaarsiiyo gurmad deg deg ah iyada oo sidoo kale lala tacaalayo sababha asalka.

Ergayga ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda IOM sidii ay Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd deeqaha laqabsiga isbadalka cimilada iyadoo ay xoojiyeen in magacaabista ergayga ay muhiim ugu tahay in kor loo qaado wacyiga is badalka cimilada iyo dhibaatooyinka ba’an ee dhinac walba taabanaya ee ay ku heyso Soomaaliya.

Berri ayaa la qorsheynayaa in Ergeygu qeyb ka noqdo qudbadna ka jeediyo shirka madaxda Africa ay si hordhac ah uga tashanayaan isbadalka cimilada ee loogu gogol xaarayo shirka COP27.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor