Maamulka Dagmada Kaaraan Oo Beeniyay In Qarax Lagu Diyaarinayay Guri Ku Yaal Dagmadaas Uu Qarxay

Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax xalay ka Dhacay guri ku yaalla degmada Kaaraan ee gobolka banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaaska loo isticmaalo karinta raashinkaa oo dab ku furmay sida uu Radio Dalsan uxaqiijiyay gudoomiyaha Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Xaaji Nuur Yaanyo waxa uuna sidoo kale beeniyay gudoomiha in qaraxa lagu abaabulayay guriga.

Guriga qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa uu ka agdhawyahay xarunta Dagmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho iyada oo wax khasaara ah oo uu geestay qaraxaas aan la soo tabin.

Ciidamada amaanka ayaana durbadiiba goobta gaaray waxa ayna halkaasi ka billaabeen Howlgal ay ku xaqiijinayaan hadalo warbaahinada qaar ee muqdisho ay baahiyeen oo ay ku sheegeen in guriga walaxa qarxa lgu diyaarinayay.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Gudoomiyaha Dagmada Kaaraan.

Comments
Loading...