|

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Gurigiisa ku booqday Sanater Cabdi Qeybdiid

Warar · Bilan Media · December 31, 2017

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday Guriga Sanoter cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ahna Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya kaas oo shalay la weeraray.

Kheyre ayaa booqashadiisa waxaa ku wehliyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,waxa uuna kulan la qaatay Sanoter Cabdi Qeybdiid.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Sanoter-ka u muujiyay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga xun tahay weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdi Qeybdiid iyo doorka baaritaanada ah oo ay dowladdu wado.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka fal celisay markii la weeraray Guriga Sanoter Cabdi Qeybdiid iyada oo xabsiga dhigtay laba Sarkaal iyo 40 Askari oo ku lug lahaa weerarkaas.

Sawirro

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.