|

Dhageyso:-Xiisad u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Ciidanka Kenya oo ka taagan degmada Beled Xaawo

Maqal · Bilan Media · December 22, 2017

Xiisadaan ayaa timid kadib markii dowladda Kenya ay markale bilaawday dib-u dhiska derbiga ay ka dhiseysa xadka ay la wadaagto Soomaaliya dhanka degmada Balad Xaawo.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in Kenya ay ku soo xadgudubtay dalka isla markaana waaxyo ka mid ah degmada balad xaawo ay dhiseyso.

C/raxmaan Xirsi Jimcaale oo ka mid ah waxgaradka degmadaas ayaa Dalsan u sheegay in ay haatan degmada ka taagan tahay xiisada u dhaxeysa Ciidamada Kenya iyo dadka deegaanka oo diidan dhismaha ay dowladda Kenya wado.

Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay wataan Gaadiidka Gaashaaman taas oo xiisada kor u u sii qaaday,waxa uuna sheegay in aysan jirin dowlad u doodeysa dhulka ka maqan Soomaaliya.

Keny ayaa goor sii horeysay bilaawday dhismaha derbiga ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya balse uu hakad galay kadib markii Goobta uu dhismaha ka socdo ay tageen Saraakiil uu hoggaaminayay Wasiirkii Gaashaandhigga ee xiligaas Cabduqaadir Sheekh Cali Diini.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga C/raxmaan Xirsi Jimcaale.

http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2017/12/Wareysi-Beledxawo-.mp3

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.