|

DEG DEG:-Xaaf oo Cadaado kulan kula leh Madax ka socota Ahlusuna

Warar · Bilan Media · August 22, 2017

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayan in hadda halkaasi uu kulan ugu socdo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,iyo wafdi ka socda Ahlusuna.

Maanta ayaa la filayay in deegaanka Mareer Gur ay ku wada kulmaan Wufuud ka kala socday Galmudug iyo Ahlusuna balse uu u baaqday khilaaf la sheegay in uu soo kala dhexgalay masuuliyiinta Ahlusuna.

Kulanka Caawa Cadaado ka socda ayaa waxaa Xubnaha Ahlusuna horkacaya Gen-Galaal oo la aaminsan yahay in uu siyaasad ahaan uu aaminsan yahay maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Kulanka Caawa ka socda Cadaado ayaa ah mid ay Al-Baabada u xiran yihiin,balse xogaha ay helyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in ay ka wada hadlayan sidii loo mideyn lahaa bulshada Gobolada dhaxe.

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsa.com

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.