|

DEG DEG:-Dagaal ka socda Gudaha Magaalada Cadaado

Warar · Bilan Media · August 20, 2017

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Galmudug ayaa sheegaya in Gordhow uu koontoroolka bari ee Cadaado uu dagaal ka bilaawday.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Nabad-Sugida Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyo Jidgooyo dhigatay halkaas kuwas oo ciidamada Nabad-Sugida Galmudug ay doonayeen in ay ka qaadaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ila 10 ruux  Dad Shacab ah oo ku dhaawacmay Rasaasta ay isku adeegsanayaan Labada Dhinac,la dhigay Isbitaalka Magaalada Cadaado.

Xaalada Magaalada Cadaado ayaa haatan ah mid kacsan waxana la maqlayaa rasaas ay isku ridayaan labada dhinac

 

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.