|

Milliteriga Maraykanka oo qirtay boqolaal qof oo lagu laayey Galbeedka Mosul.

Warar · Bilan Media · March 26, 2017

Hadal ka soo baxay Milliteriga Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyey in duqeyn bishan March 17-dii lagu qaaday Xaafadda A  ayaa la shegay in lagu dilay 200 qof oo rayid ah oo ku sugnaa Xaafadda Al-jadiida ee Galbeedka Mosul.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii Kooxaha Gurmadka iyo dadka Rayidka sheegeen inay maydad badan ku hoos jiraan dhismooyin lagu burburiyey Duqeymahaasi.

Fiqa magaalladda Mosul, C/sataar Al-xabo oo kormeerayey Gurmadka, ayaa sheegay in 240 mayd laga soo saaray dhismayaasha burburay, iyadoo warar hore lagu sheegay in duqeymahaasi lagu dilay 130-qof.

Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ayaa dib-u-eegis ku sameeyey Xogta Duqeymahaasi, kadib, markii ay Dowladda Iraq dalbatay in la baaro khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.

Afhayeenka Barlamaanka Iraq, Saalim Al-jaburi ayaa sheegay waxa ka dhacayo Galbeedka Mosul inay yihiin wax aad looga argagaxo.

Dhinaca kale, Ilaa 600,000 oo qof oo rayid ah ayaa la rumeysan yahay inay ku go’doonsan yihiin Deegaanadda ay Maleeshiyadda Daacish ka maamulaan magaalladda Mosul.

©Radio Dalsan

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.