2 Saxafi oo la toogtay,xilli ay Tebin Toos ah kaga jireen Idaacad ku taalla dalka Dominica.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in ay Dabley hubeysan weerareen Idacadda FM ah oo ku taalla Degmadda San Pedro de Macoris oo dhinaca Bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Santo Domingo.

Dableyda waxay Istuudiyaha Idaacadda ku toogteen War-akhriye Luis Manuel Medina oo Toos u akhrinayey Warka.

Daqdiiqado kadib, waxay Dableydii Xafiiskiisa ku toogteen Agaasimihii Idaacaddaasi, Leonidas Martinez.

Waxay kaloo dhaawaceen Xoghayihii Idaacadda, sida uu sheegay Afhayeenka Boliska dalkaasi, William Alcantara.

Hay’addaha u dooda Suxfiyiinta Caalamiga ee kala ah  Ineramerican Press Society iyo Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ayaa cambaareeyey Weerarkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media