17 Ruux Soomaali ah oo laga soo celiyay Garoonka Jomo Kenyatta

Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ee laga soo celiyay dalka Kenya ayaa waxay ahaayeen kuwo ku sii jeeday Magalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda balse diyaardii ay saarnaayeen ku hakatay Garoonka Jomo Kenyatta ee Magalada Nairobi.

Kenya ayaa 17 Ruux ee Soomaalida ah u diiday inay u gudbaan dalka Uganda,isal markaana ay ku soo celisay Magalada Muqdisho,waxaana dadkaasi ay ku eedeysay inay diyaarada ka dhex sameeyeen buuq iyo rabshado.

Sidoo kale dadkaas ayaa waxaa lagu eedeeyay in aysan heysan dukuminti rasmi ah iyo oggolaansho dhinaca ammaanka ah,sida uu sheegay Sarkaal u hadlay laanta socdaalka Kenya oo lagu Magacaabo Gordon Kihalangwa.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda Kenya ay soo celiso muwaadoiniin Soomaaliyeed,isla markaana u diido inay dalal kale u soo gudbaan,waxaana dadka Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabaan Garoomada diyaaradaha dalka Kenya.

Falkaan lagu soo celiyay Muwaadiniinta Soomaaliyeed weli kama hadlin Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor