17 qof oo rayad ah oo la sheegay in lagu dilay gobolka Tigary

Shaqaalaga gargaarka ee ka howlgala deegaanka Tigraay oo wakaaladda wararka ee AFP u warramay ayaa sheegay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya geysteen in lagu dilay 17 qof oo rayad ah.

“Duqeynta waxay gelinki dambe ee Isniinta ka dhacday magaalada Mai Tsebri waxaana duqeyntaasi ku dhimatay 17 qof oo shaqaala ah oo ka howlgalayey warshad burka soo saarta” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo dhacdadaasi goob joog u ahaa.

Duqeyntan cusub ayaa imaneysa maalma un kaddib marki la sheegay duqeyn la mid ah in lagu dilay dad badan qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Shaqalaha gargarku waoo ku yaalla Dedebit in lagu dilay ugu yaraan 59 qof, 138 ay ku dhaawacmeen.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobayna markale wuxuu ku baaqay in colaadda degdeg loo joojiyo hay’adaha gargaarkana loo oggolaado iney deegaanka Tigraay galaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor