Guud ahaan gudaha dalka iyo meelo badan oo ka mid ah dunida ayaa maanta si weyn looga xusay sanad-guuradii 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee Somali Youth League (SYL), ururkii dhidibada u aasay halgankii xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.
15-ka May oo ah maalin qaran oo qiimo weyn ku leh shacabka Soomaaliyeed ayaa sanad walba loo dabaaldegaa si loo xuso doorkii taariikhiga ahaa ee ay dhallinyarada Soomaaliyeed kaga jireen halgankii xornimo-doonka. Magaalada Muqdisho iyo gobollo badan oo dalka ah waxaa maanta ka dhacay munaasabado waaweyn oo lagu xusayo maalintan, iyadoo bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, ay si xamaasad leh uga qeyb qaadanayaan.
SYL waxa uu dhashay xilli adag, xilli uu dalka Soomaaliyeed u kala go’ay shan qeybood oo ay kala maamulayeen gumeystayaal kala duwan oo reer Yurub ah. Maalintii 15-ka May 1943, 13 dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo aasaasay ururkii ugu horreeyay ee siyaasadeed ee u istaaga midnimada, gobannimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed. Ururkaasi oo markii hore la oran jiray Somali Youth Club (SYC), ayaa sanadkii 1947 si rasmi ah loogu bedelay magaca Somali Youth League (SYL).
Dhallinyaradaasi halyeeyada ahaa waxay ka kala yimaadeen gobollada dalka oo dhan, waxayna wateen hal himilo: in ay Soomaaliya ka xoreeyaan gumeystayaashii iyo in ay dhisaan dowlad mideysan oo madax-bannaan. Waxaa ka mid ahaa aasaasayaashii SYL:
-
C/qaadir Sheekh Saqaawadiin (Bakool)
-
Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) (Galgaduud)
-
Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke (Mudug)
-
Xaaji Maxamed Xuseen Maxamed (Banaadir)
iyo dhallinyaro kale oo ka kala yimid Gedo, Shabeellaha Hoose, iyo Mudug.
SYL waxa uu horseed u noqday fikradda Soomaali weyn, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay hirgelintii dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliyeed kahor xornimada 1960-kii. Halganka ururkaasi uu hoggaaminayay wuxuu dhaliyay calan, dawlad iyo sumcad qaran oo ay Soomaalidu ku faanto.
Xuska 15-ka May ma aha oo kaliya xasuus taariikheed, balse waa farriin jiilal is-daba socda loogu gudbinayo qiimaha xorriyadda, midnimada, iyo mas’uuliyadda ay u leeyihiin ilaalinta qaranimada. Waxaa muhiim ah in dhallinyarada maanta ay fahmaan in xorriyaddu aanay ku imaan hadal kaliya, balse ay ku timid dhiig, naf-hurnimo iyo halgan adag.
Waxaa sidoo kale xuska maanta la socda baaq ku wajahan jiilka cusub, si ay uga dhiidhiyaan caqabadaha maanta horyaalla dalka – kuwaas oo ay ka mid yihiin kooxaha argagixisada, danleyda gudaha, iyo faragelinta aan joogsan ee dalal shisheeye ku hayaan arrimaha Soomaaliya.
15-ka May waa maalin lagu xasuusto geesinimada, isku duubnida, iyo halgankii ay dhallinyarada Soomaaliyeed u galeen qarannimada. Waa maalin lagu baraarugo laguna dhiirrigeliyo jiilka maanta in ay noqdaan hormuudka mustaqbal ifaya oo Soomaaliyeed