13 qof oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Hotel Central oo loo qaaday dalka Imaaraadka Carabta

Waxaa goor dhaweyd Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga qaaday qaar kamida dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay  Hotel Central degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Dadka dhaawacyada Qaba ee loo qaaday dalka  Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa iyo 13 ruux.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay dadka dhaawacyada soo gaaray islamarkaana ay ka fikirayaan xaaladooda caafimaad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor