​Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Camaara.

Wararka naga soo gaaraya degaanka Camaara oo katirsan gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaal culus maanta uu ka dhacay degeenakaas oo maalmihii aanu soo dhaafnay ay ka taagneyd xiisad dagaal oo udhexeysa Shabaab iyo Galmudug waxaana maanta daagaal halkaasi kula wareegay ciiddan katirsan Al-shabaab markii ay deegaankaasi kula dagaalameen ciiddamada maamulka Galmudug.

Cutubyo ciiddan katirsan shabaab ayaa gudaha ugalay Camaara waxaana dadka degaanku ay Dalsan usheegeen inay qabsadeen xarunta maamulka iyo saldhig ciiddamada galmudug ay kula haayeen degeenkaas.

Lama oga qasaaraha rasmiga ee ka dhalatay dagaalka balse Shabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaasi waxyeelo ku gaarsiyeen ciiddamada Galmudug manajirto ilaa iyo wali faahfaahin ay ka bixiyeen madaxda galmudug qasaaraha dagaalka iyo lawareegitaanka shabaab ee deegaanka Camaara.

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media