|

DEG DEG:-Nabadoon Axmed Diiriye oo Caawa ku geeriyooday Muqdisho

Warar · Bilan Media · February 19, 2018

Allaha u naxariistee waxaa Caawa Gudaha Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Axmed Diiriye oo ka mid ahaa Odayasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

GeeridaMarxuumka ayaa waxaa xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Mamulk gobolka Banaadir Maxamed tuulah.

Mudooyinkii la soo dhaafay ayaa la sheegay in uu ku xanuunsanayay Gudaha Magaalada Muqdisho,isaga oo ugu dambeyn Caawa ku geeriyooday Isbitaalka Degfeer ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana siweyn u taageeri jiray dowladnimada Soomaaliya isaga oo sidoo kale Xubin ka ahaa Odayaasha Dhqanka Beelaha Hawiye

 

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.