HomeMaqalDhageyso:-Ciidamada Jubbaland oo weeraray Guriga mid ka mid ah Ugaasyada Gobolka Gedo

Dhageyso:-Ciidamada Jubbaland oo weeraray Guriga mid ka mid ah Ugaasyada Gobolka Gedo

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Ugaas Cabdirashiid oo ka mid ah Odayaasha Dhqanka Gobolka Gedo oo la soo xiriiray Idaacadda Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Hoygiisa ay soo weerareen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland. Ugaaska ayaa sheegay in Ciidamaas uu horkacayay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur ( Janan) ay weerareen Gurigiisa oo ku yaalla degmada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugaas Cabdirashiid oo ka mid ah Odayaasha Dhqanka Gobolka Gedo oo la soo xiriiray Idaacadda Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Hoygiisa ay soo weerareen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland.

Ugaaska ayaa sheegay in Ciidamaas uu horkacayay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur ( Janan) ay weerareen Gurigiisa oo ku yaalla degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay Ugaaska in Xalay Maqribkii ay Gurigiisa tageen ciidamada Jubbaland balse isaga uu ka maqnaa balse ay ka qaateen lacag Guriga u taalay oo dhan  $2500 oo (Dollar).

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in Caruurtiisa la qalqal geliyay isagana uu xiligii Galabtii aheyd uu Gurugiisa isga cararay kadib makii uu ka warhelay in lagu soo wajahan yahay.

Weerarkaan ayaa waxa uu u sababeeyay in uu masuul ka yahay Nin Oday ah oo ka mid ah Waxgaradka degmada Luuq oo uu doonayay in uu xilka kala wareego balse uu diiday sidaasna lagu soo weeraray oo la doonayay in la dilo sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Dhinaca kale Dalsan ayaa xiriir la sameysay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Janan, si aan wax uga weeydiino eedeynta loo jeediyay balse kama jawaabin taleefoonadeena.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ugaas Cabdi Rashiid.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts