|

Maxkamada Racfaanka G/Banaadir oo dib u fureysa kiiskiii Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur (Akhriso)

Warar · Bilan Media · December 26, 2017

Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir aya dib u fureysa dacwada kiiskii loo heystay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo 21,kii Bishaan ay fasaxday Maxkamada Gobolka Banaadir

War qoraal ah oo ay soo saartay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa loogu yeeray in dhageysiga dacwada loo heysto Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame  uu ka soo qeybgalo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxa loo yeeray Qareenada kala ah Axmed Tahliil Xaaji, Cabdikariim Maxamed Axmed iyo Aamino Xaaji Axmed si dhageysiga dacwada Goobjoog uga noqdaan.

Maalinta Arbacada ah oo Beri ku beegan ayaa lagu balamay in dib loo furo dhageysiga dacwada loo heyso Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Hoos Ka Akhriso Warqada ka soo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir.

 

 

 

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.