Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo la wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Sooamaliya ayaa waxa ay weli howlgallo kala duwn ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo ay ku doonaayan in deegaano Cusub ay kula wareegan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka oo howlgalka qeyb ka ah ayaa waxa ay sheegeen in ay la wareegeen tuulooyin hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan looga hadlayay xoojinta Amniga waxa uu magaalada Baraawe kula yeeshay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooggga dalka iyo kuwa AMISOM.

Tan iyo Markii Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmajo uu ku dhawaaqay dagalka ka dahnka ah Al-Shabaab waxaa labada Shabeelle ka bilaawday holwgal ka dhan ah Al-Shabaab in kastoo weli dowladda Soomaaliya dagaalkaas weli sirasmi ah u bilaabin.

 

Comments
Loading...