Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee doorashada Maamulka Soomaaliland

Shacabka ku nool deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa wali waxay u dhag taagayaan ku dhawaaqista ay guddiga Doorashooyinka Soomaaliland ku dhawaaqaan natiijada doorashada Soomaaliland ee ah Musharaxiinta madaxwayne iyo ku xigeenkiisa ku guulaystay.

Natiijada la sugayo ayaa ah in la helo Shaqsigii ku guuleystay in  shanta Sanno ee soo socota uu Hoggaamiyo Maamulka Soomaaliland.

Tirinta Codadka ayaa dhamaatay, waxaana haatan kaliya la sugayaa cida ka soo dhex baxday Saddexda Musharax ee kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe.

Shacabka ku nool deegaanada kala duwan ee Maamulkaas ayaa isugu tegay Goobaha lagu qaxweeyo kuwaas oo sii sameynaya saadaalin aan la xaqiijin Karin cida ay u maleynayaan in ay guuleysatay.

Saacadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in Guddiga komishinka Doorashooyinka ay Warabahinta la hadlaan isla markaana ay shaaciyaan inta Sanduuq ee soo gaartay iyo sidoo kale waxayabaha kale ee quseeya doorashada Soomaaliland.

Sikastaba Maalmaha nasoo aadan ayaa Guddiga doorashooyinka waxa ay ku dhawaaqi doonaan Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland oo Saddexda musharax ee ka kala socda  WADDANI,UCID iyo KULMIYE midkood uu noqon doono.

 

Comments
Loading...