Waqooyiga Kuurya oo u hanjabay Maraykanka

Danjiraha Waqooyiga Kuurya u jooga QM, Han Tae Song ayaa sheegay inay Maraykanka ka qoomamayn doonaan doorkii ay ku lahaayeen Go’aankii ay Golaha Ammaanka ee QM cunaqabataynta ugu soo rogeen dalkiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka inay Maraykanka dhaawacii ugu weynaa ee Taariikhda kala kulmi doonaan diyaarintii Cunaqabataynta cusub ee lagu soo rogay dalkiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili lga cabsi qabo in uu dagaal culus dhexmaro wadamada Kuurya iyo Mareykanka oo hadalo hanjabaad ah hawada isku marsiinaya

Comments
Loading...