5 qof oo lagu la’ yahay Shil Markab oo ka dhacay Xeebaha dalka Singapuur

Hadal ka soo baxay Hay’adda Dekeddaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in la la’ yahay 5 Shaqaale oo la socotay Markab ka diiwaan gashan dalka DOMINIKAN, kadib, markii ay isku dhaceen Markab Booyadle ah oo ka diiwaan gashan dalka Indoneisa.

Badmaaxiinta la la’ yahay ayaa la sheegay inay kala ahaayeen 4 u dhalatay dalka Shiinaha iyo mid u dhashay Malaysia.

Wararka waxay sheegayaan in la soo badbaadiyey 5 kale oo u dhalatay dalka Shiinaha

Comments
Loading...