Kooxo hubeysan oo Caawa haweeney ku dilay degmada Yaaqshiid

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Caawa qeybo ka mid ah Xaafada Toowfiiq ee degmada Yaaqshiid ku dilay Qof Haweeney ah.

Dilka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay halka lagu Magacaabo Siliga waxaana Kooxo hubeysan ay dhowr Xabadood sida la sheegay ku dhufteen haweeneydaas taas oo ay u geeriyootay, sida uu Dalsan u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Haweeneydaas oo la sheegay in ay aheyd qof ka Ganacsada Dhuxusha, iyada oo la sheegayo in ay goobta ka baxsadeen raggii ka dambeeyay dilka Haweeneydaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa gaaray Goobta uu dilka ka dhacay kuwaas oo sameeyay howlgal ay ku qabqabteen tiro dhalinyaro ah kuwaas oo qaarkood la geeyay Saldhiga degmada Yaqshiid si baaritaano loogu sameeyo.

Dhanka kale xiriir ayaan waxaa la sameynay Maamulka degmada Yaaqshiid si aan wax uga weeydiino dilka Haweeneydaas balse kama aysan jawaabin taleefoonadeena

 

Comments
Loading...