Dhageyso:- Denmark oo taageero u balan qaaday dowladda Soomaaliya

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan la qaatay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen, kulankani ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

“Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka

 

Comments
Loading...