SHARE

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Masuuliyiin uu horkcayo ayaa Maanta dib ugu guulestay in ay furaan Wadada iskuxirta Isgoysyada Shaqaalaha iyo KPP,halkaas oo mudo xirneyd.

Wadadaan ayaa waxay difaac u aheyd Xarunta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya,islamarakaana loo xiray sababo dhanka amniga ah.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya ay furan tahay Wadadaan oo muhiim u aheyd Shacabka Muqdisho.

Sidoo kale Msuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha degmada Hodan Maxamed Cantoobo ayaa sheegay in furitaanka Wadadaan ay suurtageliyeen Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashana Wasaarada Amniga Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaarada amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ducaale,ayaa sheegay in uu Shacabka Soomaliyed ugu baaqayo in Hay’addaha amniga la Shaqeeyaan iyo guud ahaan Maamulka gobolka Banaadir.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadihii laga jeediyay furitaankii Wadadaas.

 

 

Loading...