Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Maanta Jowhar ku kulmaya

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ay kulan ku yeeshaan Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaas,kaas oo ay uga hadli doonaan arrimo xasaasi ah.

Xildhibaan Cali Siciid oo ka mid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa Dalsan u sheegay in ujeedka kulanka Maanta uu yahay magacaabistii madaxweyne Cosoble ee dhawaan degmooyinka Cusub.

Waxa uu sheegay in Guddiyo ay shalay Gelinkii dambe  magacaabeen kuwaas baaritaano ku sameynaya dhaliilo loo jeedinayo madaxweyne Cosoble taas oo ku aadan wadatashi la’aan.

Sidoo kale kulanka Maanta Baarlamaanka Hir-Shabeelle gabagabadiisa ayaa waxa ay dalban doonaan in madaxweyne Cosoble uu horyimaado Baarlamaanak si ay wax uga weeydiiyan arinta Magacaabista.

Dhawaan ayaa mudo 7 Maalin Gudahood waxa uu Madaxweyne Cosoble uu Magacaabay ilaa 7 degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan taas oo keentay in durba ay dhaliilo ka yimaadaan.

 

Comments
Loading...