SHARE

Gelinkii dambe ee Maanta waxaa dad Shacab ah ay banaabax ka dhigeen qeybo ka mid ah Xaafada Cali Geedi ee degmada Kaaraan kaas oo ay uga cabanayeen dhulalka ay degan yihiin oo ay sheegeen in lagu amray in ay ka guuraan.,

Sheekh Cumar oo ka mid ah waxgaradka Xaafada Cali Geedi ee degmada Kaaraan kana mid ahaa dadkii banaanbaxayay ayaa sheegay in lagu amray in gurayah ay degan yihiin ka guuraan Maalinta Berito ahna katarabiil la gelinayo,uuna masuul ka yahay taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Cumar

Intaas kadib Radio Dalsan ayaa la xiriiray Col,Maalin waxa uuna weeydiiyay Eedeynta loo jeedinayo oo ah in Saraakiil uu isaga ka mid yahay ay Bulshada ku nool Xaafada Cali Geedi ee degmada Kaaraan ku amreen in ay ka guuraan waxa uuna ku jawaabay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha

 

Loading...