SHARE

Wararka aan ka heleyno Gudaha dalka kenya ayaa waxa ay sheegayaan in gordhow lagu dhawaaqay Natiijada cidii ku guuleysatay doorashada madaxtinimada dalkaasi kenya.

Doorashadaan oo ay ku tartamayeen ilaa 8 Musharax,ayaa ugu dambeyn musharixiintii ugu cadcadeed islamarkaana ugu adkeyd tii u dhaxeysay madaxweynaha hada talada haya ee Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha Mucaaradka ee Raila Odinga.

Guddiga Doorashooyinka oo laga sugayay Saacado badan ayaa ugu dambeyn Caawa ku dhawaaqay in Madaxweynaha dalka kenya uu markii  labaad uu ku guuleestay Uhuru Kenyatta.

Kenyatta oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay.

 

Loading...