Al-Shabaab oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Xabsiga dhexe

War qoraal ah oo ay Al-Shabaab soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin internet-ka ayaa waxa ay si kulul uga hadleen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Duhurnimadii Maanta ka dhacay Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho

Qaraxaan oo ahaa mid uu isku soo xiray ruux naftiis huraha ah ayaa ka dhacay afaafka ee Masjidka ku dhexyaala Xabsiga xili Salaadii Jimcaha lagu jiray waxaana ku dhintay mid ka mid ah ilaalada taliya Xabsiga dhexe iyo qofkii isqarxiyay.

Warka ay soo saareen Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaas ay la beegsadeen Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda islamarkaana uu qaraxaasi waxyeelo gaarsiiyay.

Comments
Loading...