Meydka Agaasimihii Guddiga doorashada Kenya oo la helay

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in la helay  maydka Agaasimihii xogta xiriirka iyo farsamada Tegnoolijiyada ee Guddiga Doorashooyinka Kenya Chris Musando, oo la weysanaa illaa sabtidii kadib weerar halkaas ka dhacay.

Masuulkan waxaa qoyskiisa tabeen axadii oo ay wargeliyeen Booliiska, baaritaano iyo howlgalo socday waxaa markii hore la helay gaarigiisa oo yaal Thika Road, saacado kadibna waxaa Maydkiisa oo gacan ka maqantahay laga helay Kikuyu oo ka tirsan deegaanka Kiambu.

Chris Musando waxaa sidoo kale maydkiisa lala helay , maydka haweenay aan la aqoonsan weli oo iyana taalay meel udhow.

Waxaa uu ninkan ahaa shakhsiyaadka tirada yar ee wax badan ka og diyaargarowga doorashada farsamo tignoolijiyad ahaan iyo weliba xarumaha ay ka howlgalayaan guddiyada iyo meelaha shaqada ka socoto.

Comments
Loading...