Dhageyso:-Shacab farabadan oo loo xir xiray Banaanbax ka dhacay degmada Burtinle

Degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal ayaa labadii bari ee lasoo dhaafay waxaa ka socday dibad baxyo ay dhigayeen qaar kamid ah bulshada degmada Buurtinle kuwaas oo uga cabanaya lacagta Dolarka sarafkeeda oo ku qaaliyoobay.

Dibad baxyadaasi intii ay ka socdeen degmada Buurtinle ayaa waxaa ciidamada amaanku ay xabsiga dhigeen 10 qof oo kamid ah dhalinayrada degmada Buurtinle kuwaas oo lagu eedayey inay abaabulayeen dibad baxa Buurtinle.

Wariye Aadan Xassan Cabdulaahi oo ku sugan degmada Buurtinle ayaa sheegay inay ciidamada amanka iyo maamulku wadaa daalo lagu hakinayo dibad baxyadaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee nsoo gaaraya ayaa waxa uu sheegaya in maamulka degmada Burtinle ay wadaan dadaalo lagu xalinayo rabshadahaas islamrkaana kulamo gaar gaar ah ay la leeyihiin Ganacsatada iyo bulshada qaybahooda kaladuwan

Wariye Aadan Xassan Cabdulaahi oo ku sugan Degmada Burtinle ayaa waxaa ka warestay Wariye Cabduqaadir Jakaarta oo ku sugan Xarunta Dalsan ee Muqdisho.

Hoos K Dhgeyso Codka

Comments
Loading...