Dhageyso:-Maamulka Degmada Deeyniile oo ka mamnuucay degmadaas Marista Gawaarida Xamuulka qaada

Maamulka degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya ay mamnuuceen Gawaarida waaweyn ee Xamuulka qaada in ay degmadaaas soo dhex maraan kuwaas oo ka yimaada qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabduweli Nuur Faarax,Gudoomiyaha Degmada Deeyniile oo Waresi gaar ah Xafiiskiisa ku siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in Gebi ahaanba ay mamnuuceen in Gawaaridaas ay soo maraan degmada deeyniile,kadib markii ay badatay in Gawaarida Waaweyn ee mararka qaar qaraxyada ka sameeya Muqdisho la sheego in ay deeyniile soo mareen.

Waxa uu sheegay in Gaarigii la arko ee Weyn isaga oo soomaraya degmada deeyniile ay geeyaan Ex Koontirool Afgooye,si baaritaano loogu sameeyo.

Isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in ka Maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka Shaqeeyaan amniga degmada iyo Guud ahaan Gobolkaan Banaadi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Degmada Deeyniile

You might also like More from author

Comments

Loading...