Dagaal ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa dagaal beeleedyo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga degmda Balcad ee Gobolka Shbeellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deeganka Buulo Yareey Sheekhaal oo ah halka ay isaga darsamaan Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose,waxana la sheegay in dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maleeshiyadka dagaalamay ayaa ah kuwo Reer Miyi ah waxaana lagu soo waramayaa in dagaalkooda uu ka bilaawday dhul Beereed halkaasi ku yaalla oo ay isku qabsadeen sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deeganka.

Dagaalkaan ka dhacay deegaan hoostaga degamda Balcad ee Shabeellaha dhexe ayaa ku soo aadaya xili dagaalkaas mid lamid ah uu ka dhacay deegano hoostaga degmada Cadale in kastoo haatan xaaladu ay tahay mid degan.

 

Comments
Loading...