Dad Masaajid ka soo Baxay oo Gaari Dardarey

Booliiska magaalada London ayaa sheegaya in baabuur la jiirsiiyay dad ka soo baxay masaajid ku yaala magaalada London xaley xili ay ka soo baxayeen salaada taraawiixda.

Booliska ayaa xaqiijiyey dhimashada hal qof iyo dhaawaca 8 qof oo kale.

Gaari Van ah ayaa la sheegey in dadkan uu ku jiirey banaanka masaajidkan oo ku yaala Finsbury park ee Waqooyiga magaalada London.

Booliska ayaa sheegey in ay gacanta ku hayaan ninki wadey gaarigan Vanka ah oo ay horistaageen inuu baxsado dadkii masaajidka ka soo baxay ee goobta joogey, kuwaasoo markii danbana u dhiibey booliska. Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa lagu wargeliyey dhacdadan.

You might also like More from author

Comments

Loading...