Dhageyso:-Thaabit”Gurmad ayaan la garab taaganahay dadka ku waxyeelooba Roobka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka hadlay waxyeeladii uu geestay Roobkii shalay ilaa xalay ka da’yay qeybo kamid ah gudaha Magaalada Muqdisho roobkaas khasaaro naf iyo maalba ah geestay.

Thaabit Cabdi Maxamed oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada Muqdisho gelnkii dambe ee Maanta ayaa sheegay in roobabkii xalay da’ay ay geesteen waxyelo badan islamarkaana ay dad ku geeriyoodeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan wax u qabasahda dadkaasi balse iyagu asyan awood buuxda u laheyn lagana doonayo Shacabka in ay ka taageeraan sidii Walaalahooda Somaaliyeed ee ku waxyeeloobay roobka wax u qabtaan.

Waxa uu mudane Thaabit hadalkiisa intaas ku soo gaba gabeeyay in roobkii xalay da’ay dadka qarkood ee danyar loo gurmaday balse haatan weli ay u baahn yihiin Gurmadka isagoo baaq u diray Ganacsaatda ku nool Magaalada muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

You might also like More from author

Comments

Loading...