Gudoomiyaha G/Banaadir oo Huriwaa xalay ku shir Gudoomiyey Shirk Gudoomiyayaasha (SAWIRO)

Gudoomiyaha G/Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa xalay waxuu shir gudoomiyey kulanki u horeeeyey ee degmooyinka G/Banaadir xili habeen ah iyadoo xalay looga hadlay arimaha nabadgelyada.

Shirk xalay wax ka qeybgalay wasiirka amniga Ducaale Islow iyo xildhibaano barlamaanka ka tirsan.

Gudoomiyaha gobolka aya sheegay in kulanki balay uu marqaati u yaya nabada magaalada ka jirta iyadoo uu sheegay in dadka Muqdisho logo baahnayahay iney garab istaagaan dadaalada nabada lagu so celinayo.

Kulanki xalay kadib ayuu gudoomiyaha booqday saldhiga degmada Hariwaa halkaas oo uu kula kulmay taliyaha saldhiga iyo ciidamada oo xiligaas heegan shaqo ku jira , waxuuna ku amaanay hawshooda.

Gudoomiye Thabit aya sheegay in maamulkiisa uu dardargalin doono hawlaha amniga magaalada iyo sidii muwaadininta u heli lahaayeen adeegyada ay uga baahanyihiin G/Banaadir.

 

You might also like More from author

Comments

Loading...