{Dhageyso}:- Diyaaradihii qaadka Muqdisho oo Maalintii Labaad ka degay Magaalada Jowhar xili Ganacsatadu ay ka cabanayaan Cashuur Kordhin.

Magaalada Jowhar waxaa Maanta mar kale ka degay Diyaaradihii Qaadka keeni jiray Magaalada Muqdisho oo dulimaadkoodii Ganacsi u weeciyay Gobalka Sh/dhexe kedib markii ay Ganacsatu cabasho ka keneen Canshuurta laga qaado Qaadka.

Salaado Cabdi Maxamed oo ka mida Ganacsata Qaadka uu u soo dego ayaa waxa ay sheegtay in qorshahoodu uu yahay in ay ku dhawaaqaan Shaqo joojin sababtuna ay tahay in ay wayeen cid kala hadasha dhibta ay tabanayaan.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga.

Comments
Loading...